KU MEEL GAAR WAA MAXAY?
Dawlada ku meel gaarka ah eeTFG da maxaa ka si ah, maxay tahay sabab ay qilaafaadkooda u xalin la’yihin.
Arrin lagu heshiin waayohaddaad aragto labo ayey mid tahay:
Waa tan hore e mid ayaakeenaya wax aan meesha ku jirin ama aan looga bahneeyn. ama wax meesha loogabahanyahay ayaan la keeneyn.
Waxaa muqata in madaxdadawlada ku meelgaarka ah iyo baarlamaanka ku meelgaarka ahi aysan fahminshaqada loo soo igmaday markii la sameynayey iyo awoodoodu inta ay la egtahay.
Hayaqdaha dawlada TFG da waaku meelgaar, waana dawlad dib u heshiisiin ee maha dawlad rasmi ah oo awooddawladeed leh, taasi mecnaheedu waxaa weye, dawlada iyo baarlamaanka waxa loodiray shaqo cayiman oo waqti cayiman leh.
Marka surta gal ma aha,awoodna uma laha in ay waqti kororsadaan, ha ahaadeen barlamaanka amadawladaba.
Sharif Hassan awood uma lahain u gudiyo magacaabo sababta oo ah wixii loo diray ma aha in ay waqtikororsadaan loogumana talo gelin. Baarlamaanka 500 ah waxaa loo sameeyey inmushkilad lagu xaliyo si ay u diyaariyaan dastuur rasmi ah iyo doorashooyin, sidawlad rasmi ah loo gaaro.
Haddaba waa in ay fahmaanmadaxda dawlada TFG du in ay awoodoodu xadidandahay oo aysan waxay rabaansameyn kain. Shaqada loo igmaday waa dib u heshisiin ee shaqadooda haqabsadaan.
Waxaa muuqata oonasiib daro ah in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahay ummad dhinac kastaka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay ka goblantay oogarashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oo dareenkii bay kagoblantay oo hogaankii bay ka goblantay, oo xishoodkii bay ka goblantay, oodhaqankii bay ka goblantay, oo aqoonti bay ka goblantay,waa ummad mid middhaama aan la arag. Maxa loo waayeyay mid maatadaan tabaaleysan ee saddexdasanno geedaha hoosttoda ku baaba’day ka naxa.
“RAG LA’AANI WAX KUMA YEESHEE, RAG XUMAA KU DISHA”
Ninba baadida kula daydayadaalna kaa badane,
Oo aan doonahayn inaadheshaa, daa’in abidka e
Adkuna idin moodaya duul wadasocdo wax u dahsooneyne
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI,ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOWDUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI,ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI,ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
Allowshacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi
DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KUSIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybtaasbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soo booqo blogs ka: don’tforget to rate it
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
Contact: ahmed.abtidon@gmail.com













