Thursday, 5 May 2011

Joke of the week / Witz des tages


Sixirkii kismayo
Sanadkii 1974 ololihii barashada far soomaaliga aya laba ardey oo reer waqooyi ah loodiray gobolka jubada hoose ee kismaayo. waxaa laga dhaadhiciyey labadan ardayin Kismaayo dadka lagu sixro oo waliba xoolo laga dhigo (dameer ama dibi amawan). Waxay iska dhaaghiciyeen in haddi gabari ku jeclaato ay xayawaan kadhigeyso si u weligiis uga tegin marka fejignaan saa’id ah ayey qabeen.
Labadii wiil hal qol ayey wada kireysteenayago iska jira dhibatada kismaayo ku can baxday oo ah sixirka, oo weliba midbamidka kale ayu ilaalo xoogan ka haya.
Habeen habeenada ka mid ah ayey qayilaad ufariisteen, waqti dambe ayaa sigaarkii ka go’ay, dabadeed mid baa yiri “I yarasug dukaanka ino dhaw ayaan sigaar nooga soo qabanayaye. Markii u tegeydukaanka ayu gabar kula kulmay, dabadeedna sheeko dheer ayu camirtay. Wiilkiikale ayaa daahsaday markaas ayu dibada u soo baxay. Wuxu arkay dameer gurigaagtiisa daaqaya, intu naxay ayu wuxu u maleeyey saxibkiis oo dameer laga soodhigay.
markaasuu dameerkii intuu u tagay ku yiri,Miyeey ku badaleen ma sidaan eyey kuu galeen wallaweyntii, halkeen adaa balaqalka soo gal su dameerkii u riixaayay markii danbe dameerkii ayaa kacararayasoo yaaban ayuu aqalkii kusoo laabtay asagoo dhafoorada heysta ayaa waxaaalbaabka soo garaacay saxiibkii oo ey la socoto gabadhii ey dukaanka isku soo barteenmarkuu kafuray ayuu yiri, “miyey hadana sidaadii kugu soo celisey, waa ilaah mahadii,oo ma tii ayaa ku daba socoto oo hadeer dameerka kaa dhigatay, naa na dhaafhaddad allaha taqaan”.

No comments:

Post a Comment