XILDHIBAANNIMOY XAAL QAADO
Inta anan u gelin qoraalkeyga waxaan rabaa inan halkaantahniyad iyo salaan diran u diro Somaliland oomaantay u dabaal degeysa sanadguradi 20 aad ee goni isu taaga. Waxaan idin leyahayguleysta walaalyaal waxaad sameysateen wax lagu daydo, sanadka sanadkiisanaburwaaqo iyo baraare ku gaara.
Waxaa dalkeena ka suulay raadkii iyo muuqaalkii dawladnimadii,nabadii iyo kala dambeyntii ayadoo maantay calamku ku tilmaamo “failed state ama ungoverned space” oomecnaheedu yahay dal isxukumi waayey ama meel aan cidina xukumin. Marka waxaalagama maarmaan ah inaan ka hadalno kana doodno aafooyinka dalkeena ku habsadayee dabada dheeraaday.
Waxaa hubaal ah oo aan sharaxaad u bahneyn in dalkeennumarxalad aad u adag oo murugo iyo xanuun badan ku jiro, taaso u bahan dadcaqli, xeelad iyo karti fara badan leh kana saari kara marxaladaan, manamuuqdaan dadkaasi inkastoo tii rabi jirto.
Somalidu waxay ku mahmaahda: “RAG LA’AANI WAX KUMA YEESHEE, RAG XUMAA KU DISHA”
Waxaa xasuus mudan in 2004 Kenya dawlad lagu soo yegleelaytaasoo loo soo sameyey Dastuur ama axdi qarameed kumeelgaar ah iyo baarlamaanka kooban 275 xildhibaan oo kumeel gaar ah. Shaqada loo diray waxay ahayd sidaaxdiga kumeel gaar ah ku qoran in ay sameeyaan Dastuur ama Axdi qarameedfederal ah oo rasmi ah, dalkana doroshooyin ka abaabulaan. Taas ma aysan sameynee inta amxaaro u yeerteen ayeyshacabkii iyo xafadihii Muqdishu xasuuq baahsan, burbur iyo barakicin ugeysteen.
Markii Magaladii Muqdishu iyo shacabkii ku noolaa labaabi’yey aya Shir loogu magacaabay dib u heshiisiin aya magalada Jabouti laguqabtay sanadkii 2009 ka. Shirkaas waxaa baarlamaankii laga dhigay 500 ooxildhibaan soona doortay Sh. Sharif Sh. Ahmed oo asna la siiyey laba sanno siloo dhameystiro shaqadii dawladii Abdullahi Yusuf qaban weysey, taasoo ahayd indastuur dhameystiran la sameeyo dalkana doorasho loo diyaariyo. Hadda mudadiiDawlada Sh Sharif waa dhamaad welina hawshii loo igmaday waxba lagama qaban. QABYOWAA HALKEEDII.
Waxaa intaas noo dheer in dagaal aad u qaraar ka dhexeeyolabada sharif oo kursiga isku haysta. Waxaase ka sii yaab madan barlamaankasaddexda sanno ku darsaday oo ku leh sidaan bay noo ahaaneysaa
Waxaan asbuucan idaacadaha ka maqleyney Afhayeenka reerahakunfurta Ahmed Diiriye oo leh waan waantii aan wadney ee labada Sharif waxaadiiday oo nagu gacan sayrey Sharif Hassan. Hadde waa in Sharif Hassan inta lasoo qabto geed lagu xiraa sida dhaqanku yahay.
Waa yaab iyo amakaag in umadaas baaba’day labaatanka sanno umar walba hogaamiye kooxeed diido talada odayaasha.
Waxaa isweydiin mudan ummada ku nool kunfurta Somalia mawaxay ku jireysaa sanad walba in nin diido wixii talo ah oo kaligiis ummaddu uafduubnaato. Taasi waa daciifnimada Odayaasha iyo shacabka, sababta oo ah halshaqsi oo shisheeye ka amarqaata in u masiirkii ummada afduubo in laga yeelo maaha.
Waxaa muuqata in dalkaani dadkii lahaa farahooda ka baxay,waxaana loo bahanyahay in shacabku dalka dib ula wareego, una dhiibtaan qofkiiay dan u arkaan. Soomaaliyey dalkaan international community ma laha, IGAD nama laha, Ugandhana ma laha, Burundina ma laha. Dalka soomaali aya leh ayadanalaga raba in mustaqbilkeeda iyo masiirkeeda ka taliso. Ummadayadu waxay ujabtay laba cadow, waa midka kowaade urur dimeed wata afkaaro shisheeye ooummadii xasuuq ba’an iyo in ay ku dhex dagaalamaan ku haya iyo midka labaad ooah quwado shisheeye oo aan marnaba ogoleyn in dalku urur dimeedku qabsado. Waxakalo mesha aan ka maqneyn wadamada deriska ah oo ayaguna dano siyaasadeed kaleh Somaliaoo aminsan haddii soomaalidu cagaheeda ku istaagto in ay nabada gobolka wax udhimeyso.
Lakin dhibaatada dalku ku jiro waxaa udub dhexaad u ah kuwasiyaasiinta isku sheegaya oo ah kuwo liita, qaranimadana sandareero yardhafsanaya ayagoo weliba u adeega dano shisheeye iyo ayadoo oday dhaqameedkii,aqoonyahankii iyo wax garadkii oo doorkoodi gabay. Haddaba waxaa loo bahanyahayrag cusub oo dalka badbaadiya dalka gudahiisana ku arrinsada
Waxaa muuqata in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahayummad dhinac kasta ka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay kagoblantay oo garashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oodareenkii bay ka goblantay oo hogaankii bay ka goblantay oo waa ummad mid middhaama aan la arag. War maxa loo waayey mid maatadiisa ka naxa oo yirah warummada nolosha u ogolaada. Kaga sii darane kuwii qurba joogta ahaa ee badbaadayaya maantay mid kasta sameystay wax la yirah state iyo land oo qarash kubixinaya si u mid walba warlord u noqdo oo addis ababa u socda. Walan taas meel lagugaareyn qaranna lagu dhiseyn. Waxaa loo bahanyahay kacdoon shacab oo masiibadala isaga tuuro, dalka taladiisana dib loo hanto.
“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADIKARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI,ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI,
ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI,
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.
<iframe width="325" height="249" src="http://www.youtube.com/embed/n1IZs7mTccA" frameborder="0" allowfullscreen></iframe>

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete