Sunday, 22 May 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 7)

DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYOGUDOMIYAHA BAARLAMAANKA

Horta waaba yaabe maxaa madaxda dawlad kasta oo la soo dhisoisu qabqabsadaan? Labadii sharif waa is hayan, waxayna isku hayaan waa kusrigaiyo dhaqaalle aad u farabadan oo aan lagula xisaabtameyn, sida ay doonaana kayeeli karaan.
Waxaa dadka lagu qaldayaa in doorasho dhacayso, lakin waxdoorasho la yirah ma jiraan ee gollaha barlaamaanku sheegga 500 ka kooban ayaala kala gadanayaa, kii lacag bata aya la dooranayaa. Lacag la’aani ma jirto oowad maqleyseen ninka xaafiiska rai’sulwasaaraha u qaabilsan dhaqaallaha oo layirah Abdirisaq Xaaji fartaag inu qirtay in lacag ka badan 300 oo million oodollar ay maqantahay. Lacagta la yiri way maqantahy waa lacag ku fillanmushaarka dawlada oo dhan muddo saddex sanno ah. Waxaan la yaabanahay sabata uwaqtigaan u leeyahay lacag tiradaas leh ayaa maqan madama u xafiiskaas joogaymuddo laba sanno ka badan, oo mar hore u sheegi waayey. Hawshaasi waxay uegtahay garabootan iyo meel cariirsi.

Waxaa muuqata in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahayummad dhinac kasta ka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay kagoblantay oo garashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oodareenkii bay ka goblantay oo hogaankii bay ka goblantay, oo xishoodkii bay kagoblantay, oo dhaqankii bay ka goblantay, oo aqoonti bay ka goblantay,waa ummadmid mid dhaama aan la arag. Maxa loo waayeyay mid maatadaan tabaaleysan eesaddexda sanno geedaha hoosttoda ku baaba’day ka naxa.
Somalidu waxay ku mahmaahdaa “hal nin gurani dheelmaydhana uma fayooba”. Ummadii waxaa ku dhex dagaalamay Qolooyin ma naxayaalah oo xabada aan u meeldeyeen oo aan kala jecleyn waxay ku dhacayso iyo waxkale. Weli ma maqlin wax leh waan ka xunnahay ama raligelinaya ama xisaabinayaama wax macaweyno ah u geynaya.
Waxaan idin leeyahay koley yeelimeysaane dadka xabada kajoojiya oo u ogolaada in ay noolaadan, meeshana u baneeya dadkii wax qabanlaha.

Kaga sii darane kuwii qurba joogta ahaa ee badbaaday ayamaantay mid kasta sameystay wax la yirah state iyo land oo qarash ku bixinayasi u mid walba warlord u noqdo oo addis ababa u socdaa. Wallan taas meel lagu gaareyn qarannalagu dhiseyn, aqqoonsiga caalamka idin siyana waxaa idinkaga fican adinkooshacabkiina aqoonsi ka hela. Waxaa loo bahanyahay in la fahmo in dadka iyodalka baaba’aya ay somaali yihin, waanna dadkeeni iyo dalkeeni.

 Halkaan ka aqriso lacagta la dhacay.
“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADIKARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI,ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOWDUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI,ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI,ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
Allow shacabkeenadhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.
DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KUSIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybtaasbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soo booqo blogs ka: don’tforget to rate it

Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
Contact:           ahmed.abtidon@gmail.com


1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete